Wasiirka arimaha gudaha oo tagay Hobyo

Gaalkacyo-(Puntland Post)-Wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha dowladda fadaraalka Cabdiraxmaan Odaywaa ayaa maanta tagay degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee Gal-mudug,waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey maamulka iyo shacabka degmada.

Ujeedada waftigu u tageen hobyo ayaa lagu sheegay iany tahay dhismaha maamulka degmada Hobyo iyo bilowga dhismaha dekada degmadaasi ay yeelaneyso.

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka sheegay degmada Hobyo iney gacan weyn ka geysan doonaan wadahadalo dhexmaro maamulka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunna.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa degmada Hobyo ka socday da daalo maamul cusub loogu samaynayo degmada,madaxweynaha maamulka Gal-mudug Cabdixakiin Guuleed ayaana kusugna magaalada.

PUNTLAND POST