Jaaliyada Jubbaland ee dalka Maraykanka oo ka hor timi nidaamka qabiilka ee 4.5

MINNEPOLIS-(PUNTLAND POST) Kulan ballaaran oo lagu qabtay dalka Maraykanka gaar ahaan magalada Minnepolis oo ay soo qaban qaabiyeen madaxda Jaaliyadda Jubbaland ee Waqooyiga America ayaa lagu diiday nidaamka qabiilka ee lagu saleeyay hab qaybsiga Baarlamaanka dhalan doona dhammaadka sanadkan, ka dib markii madaxwaynaha mamulkaasi Axmed Madoobe uu shaaciyay inuu nidaamkaasi ogolaaday.

Kulankan oo saacado socday ayaa madaxdii kasoo qayb galay waxay ahmiyada koowaad siiyeenin umadda Soomaliyee wixii dan u ah madaxdu ku dhaqdo lagana gudbo waxay u arkeen inuusan horumar ugu jirin inuu dadka Soomaaliyeed sii kala fogeeyo ma ahee.

Gudoomiyadda Jaaliyadda Jubbaland ee Maraykanka Mudane Dool Mahad Salaad iyo Afhayeenka ururkan Cabdilaahi CalI Dheera ayaa sheegay inay taageersan yihiin mowqifkii Puntland ku diiday nidaamka 4.5, waxay sheegeen inaysan marna raali laga noqon karin in dalka nidaamka qabiilka dib loogu celiyo iyadoo dowladdii ay ka baxday marxalada KMG-nimadda.

Munaasibadan intii ay socotay waxaa qadka uga qayb qaatay wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdilaahi Warsame kaasoo qayb ka ahaa guddigii dhinaca Gaas u matalayay wadasha qaran ee Muqdisho, Warsame ayaa marka hore uga mahad celiyay Jaaliyaddan siday uga hor yimaadeen nidaamkan waxa kale uu sheegay ka Puntland ahaan inay go’aan ka qaateen barnaamijkaasi.

Kasoo qayb galayaashii ayaa sidoo kale muujiyey dareen ah in Soomaaliya oo weli dagaaladii dalka ka dhacay kasoo kabsanaysa aysan u muuqan baahi loogu laabto 4.5, waxayna madaxda Jubbaland iyo kuwa Federaalka ugu baaqeen inay danta guud ee shacabka ilaaliyeen isla markasna oofiyeen heshiis-yadii horay loo galay.

PUNTLAND POST