Duuliyaha diyaaraddii Daallo ee qaraxu ka dhacay: Amaanka gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde waa “eber”

Diyaaradda Daallo ee qaraxu ka dhacay wax yar kaddib kolkii ay duushay gegida duullimaadyada ee Aadan Cadde. Qaraxu waxa uu goostay dalool hal mitir. — © Wakaaladaha?AP
Diyaaradda Daallo ee qaraxu ka dhacay wax yar kaddib kolkii ay ka duushay gegida duullimaadyada ee Aadan Cadde. — © Wakaaladaha/AP

Duuliyaha diyaaraddii Daallo ee bishaan horraanteedii qaraxu haleelay dhowr iyo toban daqiiqo kaddib goortii ay ka duushay gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa wareysi ay la yeelatay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ku sheegay in amaanka gegidu uu “eber” yahay.

Qaraxa oo uu watay qof rakaabka ka mid ah ayaa qarxay diyaaradda oo hawada ku jirta muddo 15 daqiiqo ku dhowaad ah, kuna duulaysay joog 11,000 oo cagood (3,500 mitir) ah.

Waxaa diyaaradda la socday 75 qof oo labo ka mid ah dhaawac ka soo gaaray qaraxa, waxaana ku dhintay hal qof oo isaga oo gubanaya ka baxay daloolkii qaraxu ka sameeyey dhinaca diyaaradda. Meydka qofka dhintay ayaa goor danbe laga helay bannaanka degmada Balcad oo Xamar kaga aaddan 30 km dhanka woqooyi.

“Kolkii aan kor u dhaafnay 10,000 cagood, waxa aannu debcinnay suumanka baylka ah [ee kuraasta], shaqaalaha diyaaradduna waxa ay bilaabeen in ay rakaabka u adeegaan,” ayuu kabtan Vlatko Vodopivec ku yiri waraysiga. “Qaraxu waxa uu dhacay kolkii aan dhaafnay 11,000 cagood. Horraantii waxa aan moodnay in mid muraayadaha daaqadda ka mid ahi jabta, hase yeeshee, waxa aan dareennay in wuxu qarax yahay goortii qiiqu shirka [diyaaradda] noogu soo galay.”

“Wax walbaa muddo kooban ayey socdeen,” ayuu yiri. “Isla markiiba waxan amarnay in degdeg loogu noqdo gegida [Aadan Cadde], maadaama sidaasi xalka keli ah ahayd. Taas waxaa noo dheeraa walaac gooni ah, waayo, nabadgelyadu halkaas aad ayey u hooseysaa waana meel nalaga rabo in aan maalmo ku sii negaanno.”

Joogga duullimaadka oo diyaaradda caawiyey

Duuliyuhu waxa uu rumaysan yahay in joogga hoose ee diyaaraddu ku duulaysay uu ka caawiyey in diyaaradda iyo rakaabkuba badbaadaan, haddii diyaaraddu gaari lahayd jooggii duulimaadkeeda loogu talogalay oo ah ku dhowaad 33,000 oo cagoodna ay xaaladdu aad ugu adkaan lahayd.

“Diyaaraddu waa ay kala daadan lahayd haddii aan joog sare ku duuli lahayn,” ayuu yiri Vodopivec. “Diyaaraddu si caadi ah bay inoogu socotay, degdeg ayaanna wax walbaa inoogu hagaageen. Matoorrada iyo shidaalka midna wax ma gaarin.”

Qofka diyaaradda ka dhacay waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cabdisalaam Boorle, oo 54 jir ah.

Boorle ayaa looga shakisan yahay in uu ahaa qofka qaraxa soo geliyey diyaaradda. Fiidyoow laga helay kaamerooyinka amaanka ee gegida Aadan Cadde, laguna faafiyey Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya, ayaa muujinaya dad dharka shaqaalaha garoonka xidhan oo wax u eg kombuyuutar laabtoob ah u dhiibaya qof kale. Telefishinka ayaa sheegay in Nabad Sugidda Soomaaliya gacanta ku hayso 15 qof oo lala xiriiranayo in ay lug ku lahaayeen ama wax ka soo maleegeen dhagartii qaraxa lagu saaray diyaaradda.

Vlatko Vodopivec oo ah duuliye ruugcaddaa ah oo Seerbiya u dhashay, dhowr jeer oo horena Xamar duullimaad ku tegey, waxa uu dhacdadaan u aanaynayaa amaandarro iyo nabadgelyo-xumo garoonka haysata, waxan uu ku tilmaamay xaaladda nabadgelyo ee garoonka mid jahowareersan.

Jahowareer

“Amaanku, meeshaas, waa eber. Kolka diyaaraddu soo fariisato waxaa laamiga [diyaaraddu ku socoto] soo gala 20 illaa 30 qof. Midkoodna kama dul xirna jaakadaha jaallaha ah wax aqoonsi ah. Waa soo galaan oo ka baxaan diyaaradda, lamana yaqaan yaa ayo ah … wixii ay doonaan bay diyaaradda soo gelin karaan.”

Duuliyuhu waxa kale oo uu waraysiga ku sheegay in ay jirto halis guud ahaan caasimadda ka jirta, oo ay ka mid tahay in ay jiraan rasaas dhulka lagal soo eegto diyaaradaha gegida ka duulaya ama ku soo degaya.

“Waxa aad gegida kaga soo degi kartaa, oo keli ah, dhanka badda. Dhanka kale jidka diyaaraddu ku soo degeyso waxa uu ku dhex jiraa magaalada. Diyaaradaha waaweyni kama soo degaan dhanka magaalada sababo nabadgelyo dartood. Diyaarado ayaa soo degay iyaga oo ay xabbado ku yaallaan.”

Madaxa Daallo, Maxamed Yaasiin Colaad, ayaa maanta Al Jazeera u sheegay in rakaabka diyaaraddoodu markii hore ay raaci lahaayeen Turkish Airlines, balse, shirkadda Turkish Airlines ay maalintaas baajisay duullimaadkii ay Xamar ku imaan jirtay iyaga oo u aaneynaya hawada oo xun, sidaasna rakaabkii ugu wareegeen diyaaradda Daallo.

Dad loo soo qabqabtay weerarka diyaaradda Daallo

Wasiirka gaadiidka iyo duullimaadka, Cali Jaamac Jingeli, ayaa Sabtidii warbaahinta u sheegay in qaraxii diyaaradda Daallo ka dhacay uusan ahayn cillad farsamo ee uu ahaa bam la doonayey in lagu laayo dadka diyaaradda saaran.

Wasiirku cid gaar ah kuma eedayn weerarka diyaaradda loo geystay, ha yeeshee, waxa uu xaqiijiyey in ay jiraan dad la soo qabqabtay oo qaraxaan lala xiriirinayo.

Baaritaanka ayaa waxaa ka qaybqaadanaya aqoonyahanno heer caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwo ka socda Hoggaanka Denbibaarista Federaalka ee Maraykanka (FBI).


Waraysigaan oo intaan ka dheeraa waxaa lagu qaaday Belgarayd, Seerbiya, waxaana duuliyaha la yeeshay wakaaladda wararka ee The Associated Press.