JAMACADAHA BARIGA AFRIKA IYO PIDAM OO MIDOOBAY

19Boosaso-(Puntland Post)-Waxaa magaalada Bosaso  lagu qabtay xaflad lagu shaacinayey midowga jaamacadaha PIDAM iyo Bariga Afrika oo ka mid ah jamacadaha ugu tunka weyn somaliya.

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda maamulka degmada Bosaso, ardayda labada Jaamacadood, ganacsato, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Labada Jaamacadood ayaa kala saxiixday heshiiska ay ku midoobeen 31-1-2016, waxaana la qaatay magaca ugu faca weyn gayigeen ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Aadan Sheekh Doon Cali oo ah gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay midowga Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PIDAM.

…Baahida ay isu qabeen Jaamacadaha a ayaa keentay in ay midoobaan,waxaan rajaynayaa in la raaco wadada ay fureen ayuu hadalkiisa ku daray Aadan Sheekh Doon Cali

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Maamulaha Jaamacadda PIDAM Prof.Maxamad Muumin Yuusuf ayaa waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay midowga labada Jaamacadood, iyadoo Jaamacaduhu ay horay u lahaayeen xiriir wada shaqayneed oo muddo soo jiray.

Waxa uu intaasi ku daray Maxamad Muumin Yuusuf in arintan ay tahay mid muhiim ah maadama ay midoobeen xarumihii waxbarasho ee ugu horeeyay.

Eng Yaasiin Mire Maxamad duqa degmada Bosaso ayaa sheegay in maamulka degmada Bosaso ay soo dhoweynayaan go’aanka labada Jaamacadood, isla markaana magaalada Bosaso ay ay tahay hooyada waxbarashada dowladda Puntland.

DAAWO SAWIRADA.

4 6-1 8-1 8-2 11-1 14-1 14-1 (1) 16-1 18 19 20 23 33-1