Hay’adda Maareynta masiibooyinka P/land oo ka digtey khadarta ka dhalan karta abaarta

GAROWE-(Puntland Post) Hay’adda maareynta masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland HADMO ayaa ka digtay khadarta ka dhalan karta abaaraha ka jira qaybo ka mid ah deegaanada Puntland, ka dib markii dhulka deeqsinka ah iyo kuwa reer guuraaga aysan labo xilli roobaad helin wax roobab ah.

Agaasimaha hay’adda HADMA Mudane Cabdiraxmaan Axmed Ceyrow ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in deegaano badan oo Puntland ka tirsan ka taagan tahay biyo la’aan taasoo sababi karta in dhibaatooyin bini’aadimo dilaacaan, wuxuna sheegay Hay’addaha caalamiga ah inay gaar siiyeen qoraal ka hadlaya xaalada abaareed ee Puntland ka jirta iyo sida loogu baahan yahay inay qaybtooda ka qaataan sidi qoysaska abaartu soo food saartey loogu samayn lahaa gurmad iyo biyo dhaamin.

Gugigii iyo dayrtii lasoo dhaafay ayaanan wax roobab ah ka di’in Puntland waxayna sababi kartaa haddii roob la’aantan lagu sii jiro in qoysas badan oo reer guuraaya nolashooda baaba’do, sidoo kale Cayroow ayaa sheegay in dhulka qaarkiid biyaha dhibaato is qab qabsi ah keeni karto.

Jimcadii lasoo dhaafay madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa warbaahinta ka sheegay in qaybo Puntland ka mid ah abaaro ka jiraan sidaasi darteedna hay’addaha taageerada bixiya looga baahan yahay inay arrintan wax kala qabtaan.

PUNTLAND POST