Baaritaankii Daallo oo lasoo gabagabeeyay iyo Al-shabaab oo lagu eedeeyay

Muqdisho-(Puntland Post) –Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay Ururka Al-shabab ka dambeeyeen qaraxii dhowaan ka dhacay gudaha diyaarad xamuula oo ay lahayd shirkadda duullimaadyada ee Daallo Airlaines.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali, ayaa sheegay in qarax lagu qariyay Computer Laptop loo adeegsaday weerarka,kaasoo uu ku tilmaamay mid ula kac ahaa oo lagu doonayay in lagu laayo dhammaan rakaabkii la socday diyaayaaradda Daallo oo Duulimaadkeedu ahaa  Flight 3159,wuxuna masuuliyadda falkaasi dusha uga tuuray Al-shabaab.

Quburo ka socota hay’adda sir-doonka Maraykanka ee FBI ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho,iyagoo ka qayb qaadanayay baarista shilka ka dhacay diyaaradda Daallo talaadadii lasoo dhaafay.

Dhowr qof oo loo qabtay qaraxan ayaa su’aalo lagu waydiinayaa xabsi ay CIA-da Mareykanka ku leedahay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,waxanay laamaha ammaanka sheegeen inay bulshada Soomaaliyeed usoo gudbin doonaan wixii kasoo baxa tuhmanayaasha la hayo.

Dowladda federalka ayaa horay u sheegtay in ninka kasoo dhacay diyaaradda ee meydkiisa laga helay baadiyaha degmada Balcad,loo malaynayo inuu fuliyay qaraxa,ninkan oo u dhexeeya da’da konton iyo lixdan ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdisalaan Cabdulaahi Boodhle,kaasoo ka yimi gobollada waqooyi ee dalka ayaa gudaha diyaaradda ku galay kursiga lagu riixo dadka naafada ah.

Diyaaraddan oo ay u kireysan tahay shirkadda duullimaadyada Daallo Airlines ayaa talaadadii lasoo dhaafay si deg-deg ah ku soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,markii uu qarax ka dhacay gudaheeda,kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale.