Tarsan oo ammaan darrida Muqdisho ku sababeeyay nidaamka 4.5

Muqdisho-(Puntland Post)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku dhaliilay laamaha ammaanka dowladda inay dayaceen amniga Caasimada, isagoo xusay in sidii horay amniga ahaa uu hada aad uga sii hooseeyo.

Mr Tarsan oo la hadlayay qaar ka mida warbaahinta gudaha ayaa sheegay in magaalada ay ku soo kordheen qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, isla markaana Hoteellada qaar ee magaalada ku yaalla dhowr jeer la weeraray.

“Waa nasiib darro Amniga halka uu ahaa hada aad ayuu uga hooseeyaa, amnigiina waxaa moodaa inuu hoos buu u sii socdo, qaraxyo is daba joog ah ayaa magaaladan ka dhacaya, hotelada qaar kiiba labo jeer saddex jeer lagu soo noqda, waxaa muuqata in wax sirdoon ah uusan jirin”ayuu yiri Tarsan.

Maxamuud Axmed Tarsan,ayaa sheegay in haatan aanay jirin ciidan iska soo horjeeda, balse la rabo in xooga la saaro war-doonka, isagoo xusay in waxyaabaha dowladda ragaadiyay ay qeyb ka tahay jagooyinka qabiilka lagu qeybsanayo ee 4.5 sida uu yiri.

Siyaasiga Tarsan ayaa guddoomiye ka ah haatan xisbiga caddaaladda bulshada Soomaaliyeed,isagoo aaminsan in dib u dhaca dalka Soo wajahay uu sal u yahay nidaamka afar beel iyo bar,oo uu ku sheegay mid ragaadiyay habsami u socodka hawligii dowliga ahaa.