Kuleejka Maka Al-Mukarama oo Shaaciyay Ardaydii Kaalimaha hore Kagalay Imtixaanka Sanad dugsiyeedka

GAROWE-(Puntland Post) Kuleedka Maka Al-mukarama oo ku yeela duleedka magalada Garowe ayaa shaaciyay natiijada imtxaankii sanad dugsiyeedka 2015/2016 ka dib munaasibad lagu qabtay isla xarunta halkaasoo abaal marino lagu gudoon siiyay ardaydii kaalmaha hore Imtixaanka ka gashay.

Munaasibadda waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka socda wasaradda waxbarashada Puntland, Mu’asasada Al-Minhaaj,waaldiin iyo marti sharaf kale, mamulaha Maka Al-mukarama Maxamed Cawiif ayaa goobta kasoo jeediyay heerarkii kala duwanaa uu Kuleedku soo maray iyo halka uu maanta taagan yahay, wuxuu u mahad celiyay dadkii ka qayb gaatay hir galintiisa iyo garab istaagiisa.

Intaaskadib waxaa isna goobta ka hadlay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax oo Qiray In kuleejku uu buuxiyay kaalintii laga filayay isagoo ku amaanay sida sharafta badan ee ardayda loo baray Qur’aanka kariimkaa Iyo Madooyinka Maadiga ah.

Ugu danbayntii waxaa xafladda soo xiray Godoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Cismaan Faarax waxaana uu dhankiisa Bogaadiyay Kuleejku guulaha uu gaaray waxaana uu sigaar ah uladardaarmay waaridiinta, maamulka iyo macalimiinta in ay xilweyn iska saaraan mas’uuliyadaan weyn ee ay u mada u hayaan.

Kuleejka Maka –Almukarama ee ku yaal Duleedka magaaladda Garowe ayaa ah mid wax lagu baro ardayda islamrkaana leh hoyaatin ardaydu ay ku sugnaadaan goobta 7.bari marka laga reebo Jimcaha iyo Khamiista maalmahaas oo ah maalmaha ay tagaan guryahooda.

PUNTLAND POST