Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dib ula wareegay magaalada Marka

Marka-(Puntland Post)-Ka dib dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Marka iyo daafaheeda ayaa la sheegayaa iney kula wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM,halkaasoo duhurnimadii shalay ay si nabada ku qabsadeen Ururka Al-shabaab.

Ciidamada is bahaysanaya oo magaalada kasoo galay dhanka Buufow iyo xagga Ceel-Jaalle ayaa lagu soo warramayaa in gaari nooca dagaalka lagaga gubay,markii ay miino nooca dhulka lagu aaso ah kula kacday dhanka Bari ee magaalada.

Al-Shabaab ayaa muddo 24-saac ku sugnaa magaalada Marka,waxaanay isla xalayba dadka ku soo rogeen ammarro ah inaan la dhageysan karin muusigga iyo in hubka ay soo wareejiyeen beelihii horay ugu dagaallamay halkaas.

Al-shabaab ayaa horay looga saaray marka sanaddii 2012-kii,xilligaasoo uu socday hawl-galkii loogu magac daray Indian Ocean (Badweynta Hindiya) kaasoo ay dowladdu kula wareegtay dhul badan oo gacanteeda ka maqnaa.