Taliyihii Nabad sugida Degmada Dharkeynley oo toogasho lagu diley

Muqdisho-(Puntland Post)-Dableey hubeysan ayaa galabta oo Sabti ah waxay toogasho ku dileen taliyihii nabad-sugida qaranka ee degmada Dharkeynleey gobolka Banaadir Cabdullaahi Dabeysha.

Taliyaha oo xilligaasi marayay xaafad ka mida degmada Wadajir ayaa la sheegayaa in gaariga uu watay lagu hor gooyay baabuur kale oo nooca raaxada ah,waxana tacshiiraddii la huwiyay sidoo kale ku geeriyooday mid ka mida ilaaladiisa.

Debleydii dilka geysatay ayaa durbaba meesha ka baxsatay,mana jiro wax wara oo illaa iyo haatan kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa maalmahan dambe isa soo tarayay dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha xilalka ka haysa dowladda iyo dadka xubnaha ka ah,iyadoo inta badanna ay baxsadaan ragga falka geysta.