SHIRKADA SHIDAALKA EE HASS PETROLIUM OO BOSAASO LAGA DAAHFURAY

IMG_2937Boosaso-(Puntland Post)-Waxaa maanta oo jimce ahayd markii ugu horeysay xarun ka furatay magaalada Bosaso-Puntland-Somaliya shirkadda shidaalka ee Hass, kadib xaflad ballaaran oo ka dhacday hotel Jubba ee magaalada.

Waxaa ka soo qeyb galay xafladaasi xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, ganacsato, culimo’udiin, maamulka shirkadda (Hass Petroleum) nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahano, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Madaxa shirkadda ee Puntland Cabdiraxmaan Cali Xasan oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in shirkadda ay aad ugu soo caan baxday suuq gaynta shidaalka iyo waxyaabaha laga farsameeyo.

Waxa uu intaasi ku daray Cabdiraxmaan in shirkadda la furay sanadkii 1997-kii, iyadoo aad uga muuqatay dhinaca geeska Afrika iyo gobolada kale.

..Waxa annu nahay shirkad caan ku noqotay suuq gaynta shidaalka, iyadoo aannu si buuxda uga shaqayno dalalka Kiiniya, Tansaaniya, Yugaandha, Burundi, Koonfurta Suudaan, Ruwaanda, jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Soomaaliya iyo Jabuuti ayuu yiri madaxa shirkadda ee Puntland Cabdiraxmaan Cali Xasan.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkadda Hass, ayna rajeenayaan in ay ka qeyb qaadato homarka ka socda deegaanada Puntland.

…Waxaan filayaa in shirkaddan ay shaqo abuur u sameyn doonto dhalinyarada, sidaasina si la mid ah ay ka qeyb qaadan doonto hormarinta arrimaha bulshada ayuu yiri gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Mune Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Indha-guran oo ugu dambeyn ka hadlay madashada ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkad walba oo Puntland ka furanaysa xarun, iyadoo uu wasiirka si rasmi ah uu daah-furay xarunta shirkadda Hass ee Puntland.

Sanadihii ugu danbeyay deegaanada Puntland ayaa waxa ku soo qul qulaya shirkado badan oo raba in ay xarumo iyo maalgashi ka sameyaan gudaha Puntland.

IMG_2932 IMG_2937

IMG_2981 IMG_3037 IMG_3029 IMG_3024