Warbixin: Kullankii Chelsea Ay ku Garaacday Shalayto Emirates Stadium Kooxda Arsenal.

Chelsea ayaa 1-0 ku garaacday Arsenal kulankii shalayto ka dhacay Emirates Stadium iyagoo uga mahadcelinaya gool uu qeybtii hore dhaliyay Diego Costa, halka Per Mertesacker la siiyay casaan toos ah. Hadaba puntland post ayaa eegeysa Saddex waxyaabood oo Sababay in Arsenal laga badiyo.

Diego Costa oo laf dhuungashay ku noqoday Arsenal

Waa ay yar tahay ciyaaryahan ka baxa kulan Premier League oo lagu ooriyo sida Diego Costa lagu sameeyay shalayto, laakiin sidoo kalena waa ay yar tahay in la arko ciyaaryahan u darban inuu dhibaateeyo had iyo jeer hal koox. Didier Drogba ayaa caan ku ahaa inuu qaab ciyaareedkiisa fiican u dhigto kulamada ay ka horimaanayeen Arsenal, ninkii ka bedelay Chelsea ayaana halkaas ka sii wada dhaqankii uu bilaabay Drogba. Costa ayaa sabab u ahaa guushii Stamford Bridge ee bishii Septmeber sidoo kalena isaga ayaa sabab u ahaa guushii shalayto ee Emirates. Orodkiisii uu ku sababay in Per Mertesacker uu qalad ku galo ayaa aheyd mid uu waqtigeeda u fiirsaday, waxaana uu fursadii uu helay uu u dhameystiray si aad u wacan.

Ku Soo laabasha Cesc Fabegas ee Emirates Stadium

Cesc Fabegas ayaa ahaa mid cajiib ah ku soo laabashadiisii Emirates, halka uu sidoo kale ka faa’iday inuu heystay labo burburiye oo khadka dhexe ah Nemanja Matic iyo John-Obi Mikel oo isaga ka danbeeyay. Mathieu Flamini ayaa buuxinayay booskii weynaa ee uu baneeyay Francis Coquelin tan iyo bishii November laakiin awood yaridiisa ayaa soo muuqata marka uu ka horyimaado xiddigaha ugu fiican. Haa, Aaron Ramsey iyo Mesut Ozil ayay aheyd inay caawiyaan si ay u xadidaan dhaqdhaqaaa Fabregas laakiin Arsenal waxa ay si weyn u tabeysaa Coquelin.

Mikel iyo Ivanovic oo dib u soo noolaaday ka dib imaanshiyihii Hiddink.

Chelsea weli lagama badinin intii uu joogay Guus Hiddink, waxaana horumarkooda uu ku gaaf wareegsan yahay labo ciyaaryahan oo ka mid ah ciyaartoydii Chelsea in muddo ah joogtay oo qaab ciyaareedkooda dib u soo helay. John-Obi Mikel iyo Branislav Ivanovic ayaa u muuqday kuwa ay ka dhamaatay intii uu kooxda joogay Jose Mourinho laakiin waxaa dib u soo nooleeyay Hiddink. Mikel waxa uu booska kala baxay Ramires xitaa waxa uu mararka qaar fariisiyaa Nemanja Matic booska burburiyaha khadka dhexe, halka Ivanovic oo caawiye ka ahaa goolkii Costa ee shalayto uu isna dib ugu soo laabtay qaab ciyaareedkiisii hore ee ka dhigay mid ka mid ah daafacyada midig ee ugu fiican Premier League.

chelsi

chjj