Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo lagu eedeyey musuqmaasuq xoogan.

Muqdisho(Puntland Post)-Waayadii u danbaysay waxaa soo baxaysay Musuqmaasuq balaaran oo lagu eedaynaayey ururka Kubadda Cagta Aduunka ee loyaqaan FIFA, Madaxweynaha Ururkaasi Sepp Balater ayaa dhex maquuranaya fadeexad aad u balaaran iyadoo lagu wado Baaritaankii ugu balaarnaa oo la xariira isdaba marinta Balaayiin Dollar.

Calaamada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.
Calaamada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ururka xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo taageero balaaran ka heli jirey Ururka FIFA ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya inay musuqmaasuqeen lacag aad u tira badan oo ay kusoo qaateen Magaca Horumarinta kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Sida ay heshay Warbaahinta Puntland Post xiligii ay jirtey Dawladii dhexe ee Soomaaliya waxay FIFA bixin jirtay aduun lacageed oo dhan 300,000 oo Doolar sanadkiiba, Hase ahaate markii ay dhacday Dawladii Soomaaliya waxay jartay kala bar lacagtii lasiin jirey Soomaaliya iyadoo lagu sababeeyey colaadaha sokeeye ee ka holcaayey Dalka, Waxaase lacagtaas Soomaaliya dib loogu fasaxay sanadkii 2004 iyadoo ay lunsadeen Madaxda xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya aysana jirin haba yaraate wax loogu qabtay Bahda Isboortiga  Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah Khuburadda Isboortiga Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo C/qaadir Jaamac Jaraafe ayaa ku eedeeyey Gudoomiyaha Kubadda Cagta Soomaaliya C/qani Xirsi Carab inuu jeebka ku shubtay hantidii ay FIFA u qoondaysay Dalka Soomaaliya, Isagoo codsaday in lagu sameeyo Baaritaan la mid ah kan ku socda Sepp Balatter.

Tan iyo Markii ay soo baxeen wararka sheegaaya in Musuqmaasuq balaaran loo haysto Madaxweynaha FIFA Mr Balatter waxay cabsi xoogan soo wajahday inbadan oo ka mid ah xiriiradda kubadda Cagta Qaarada Africa oo lagu tilmaamo kuwa ugu Musuqmaasuqa badan, waxaana ururadda cabsida ugu weyn soo wajahday ka mid ah kuwa ku magacaaban xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, oo Magac ahaan u jira balse aysan jirin wax ay ku soo kordhiyeen Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Puntlandpost.com