Airport-ka Bosaso oo si toos ah xarriga looga jaray iyo madaxda oo ka hadashay

IMG_0782Bosaso(Puntlandpost)- Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed iyo labadda Safiir ee dalalka Talyaaniga iyo Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta si wada jir ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.

Munaasibad saacado badan oo galinkii hore qaadatay ayaa lagu qabtay hoolka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, halkaasoo oo ay ku sugnaayaan boqalaal dadwayne oo isagu jiray ragg iyo dumar.

Madaxda dhaqanka, siyaasiyiin, safiiradda Talyaaniga, Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya ayaa khudbada kasoo jeediyay inta ay munaasibadu socotay kuwaasoo tilmamay inay ku faraxsan yihiin wajiga koowaad ee garoonka diyaaradaha magalada Bosaso lasoo afmeeray, waxa kale ay tilmaameen inay qayb ka tahay horumarka wadanka ka socda.

Wasiirka duulista hawadda Puntland Xasan Cadde ayaa soo jeediyay war bixin ka hadlaysa dhismaha garoonka iyo cida ka qayb qaadatay, wuxuna wasiirku ku tilmaamay horumar la gaaray.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa ka hadlay dhismaha garoonka, wuxuuna sheegay Dr.Gaas maanta inay shacabka iyo dowladda Puntland u tahay meelin taariikhi ah.

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka qayb qaadatay dhismaha garoonkan, waxa kale uu ka hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku deeqday dhaqaalaha ku baxay wajiga koowaad ee garoonka, waxaana dhistay shirkad laga lee yahay wadanka Shiinaha oo la yiraahdo CCECC.

Garoonkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid loo dhisay heer caalami ayna kasoo dagi karaan diyaaradaha caalamiga ah, waxaana shalay kusoo degatay diyaaradii ugu horaysan oo heer caalami ah.
IMG_0583

IMG_0595

IMG_0603

IMG_0629

IMG_0633

IMG_0636

IMG_0638

IMG_0637

IMG_0640

IMG_0650

IMG_0663

IMG_0667

IMG_0670

IMG_0676

IMG_0680

 

IMG_0688

IMG_0692

IMG_0698

IMG_0711

IMG_0713

IMG_0717

IMG_0719

IMG_0722

IMG_0744

IMG_0751

IMG_0752

IMG_0747

IMG_0759

IMG_0763

IMG_0764

IMG_0766

IMG_0770

IMG_0775

IMG_0782

IMG_0792

IMG_0796

IMG_0803

IMG_0825

IMG_0827

IMG_0833

IMG_0837

IMG_0854

IMG_0857

IMG_0870

IMG_0871

IMG_0872

IMG_0876
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com