Carruur miino kula qarax day Gobalka Sanaag

medium_yQN9qL19Buraan (Puntlandpost)- Gudoomiyaha degmada Buraan oo ka tirsan Gobalka Sanaag ayaa sheegay in labo carruur ah miino kula qarax day deegaanka Ballibusle oo qiyaastii magalada u jirta 27-KM sidoo kalena wiil kale uu dhaawac kasoo gaaray.

Botaan Axmed Bootaan ayaa sheegay carruurta dhimatay inay isku qoys yihiin isla markasna loo malaynayo miinada ku qaraxday inay tahay kuwa gacanta lagu tuuro, maadama goobta ay joogeen aan lago ogeyn wax ku saabsan haraadiga qaraxyadda dhulka ku aasan.

Carruurta gooriyootay ayaa kasoo jeeday qoys reer guuraa ah wuxuuna masuulkani sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo caawin lahaa waalidka ay carruurtu ka dishay qaraxa miino.

Qaybo ka mid ah dhulka gobalka Sanaag waxaa ku aasan miinooyin kuwaas oo ah haraadiga hubkii ay ku dagaalameen Jamhadii SSDF iyo Ururkii Altixaad 1992.

Puntlandpost.com