Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo Xarigga ka jaray Barnaamijka SOLAR-ka oo ileysa Cadceeda ku shaqeeya

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Caawa 04-Jan-16 xarigga kajaray barnaamijka Ileyska Cadceedda ku shaqeeya ee loo yaqaan “Solar System” oo dhowaan laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Munaasibadda Xarigga looga jarayey Barnaamikan waxaa kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Duqqa Caasimadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, shirkaddii barnaamikan kahirgelisey caasiimadda iyo dadweyne kale.

Barnaamijkan Ileysaka cadceedda ku shaqeeya oo dhowaan laga hirgeliyey Caadimadda Puntland ee garoowe ayaa waxweyn ka beddeley iftiinkii  iyo quruxdii caasimadda oo xilliga habeenkii ah u kaahaysa sida maalintii oo kale , waxaana barnaamijkan iska kaashaday Dawladda Hoose ee Garoowe iyo Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin oo ay kamid tahay Hay’adda “SSF Somali Stability Fund” .

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa mashruucan ku tilmaamay inuu ka mid yahay guulaha isdaba jooga ah ee ay ku tallaabsatay dawladda Puntland kuwaas wax-badan ka beddeleysa horumarka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo kale xusay mashruucani inuu wax badan kusoo kordhin doono caasimadda uuna ka qayb qaadan doono isu socodka dadweynaha, sugidda nabadgelyada iyo horumarka  ganacsi ee ka socda caasimadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo sheegay in ay jiraan barnaamijyo kale oo lagu beddeleyo wejigii lagu yaqaaney  caasimadda Puntland si’ caasimaddu ula jaanqaado caasimadaha kale ee dunida

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA PUNTLAND.

IMG_0002 IMG_0031 IMG_0075 IMG_0080 IMG_0096 IMG_0101 IMG_0109 IMG_0125 IMG_9877 IMG_9879 IMG_9882 IMG_9883 IMG_9886 IMG_9898 IMG_9904 IMG_9928 IMG_9941 IMG_9945 IMG_9975