Jaamacada EAU oo hormuud u noqotay Waxbarashada Maamulka iyo dhaqaalaha


Garowe(Puntland-Post) Xaflad ay soo abuubuleen Wasaaradda Maaliyada Puntland Iyo Maamulka Jaamacadda Bariga Africa ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Hoolka Jaamacadda ee Magaalada Garowe.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas-Wasiirada waxbarashada, Maaliyada, Shaqada iyo Shaqaalaha, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo qeybaha kale ee bulshada Saxiibka dhow la ah Waxbarashada.

Sidoo kale Xafladan ayaa waxaa goobjoogayeel ka ahaa Madaxda Jaamacadaha Puntland kuwasi oo ka marag kacayay in goobjoogeyaal ka Noqdaan Qaabka loo qabanayo Xaflada gudoonsiinta shahaadooyinka Ardaydaasi la siinayo.

Ujeedka Xafladan ayaa waxaa lagu sheegay in ahayd mid shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Arday dhameystay qeybta koowaad ee Waxbarashada Caalamiga ah ee Maamulka iyo Maaliyadda.

Mashruucan Waxbarashada lacag la’aanta ah ayaa waxaa fulinayay Baankiga Aduunka waxaana fulinayay Afar Jaamacadood oo ku yaala Gudaha Dalka Somalia kuwaasi oo kale ahaa Jaamacadaha Barifa Africa,PSU SIMAD iyo Muqdisho.

Jaamacadaha ku yaala gudaha Dalka Somalia ee howshan qabanayay ayaa waxa la qoondeeyay in jaamacad kasta laga keeno ilaa 45 Ardeyda waxaana howshan ay soo bilaabantay 1septembar sanadkii 2014kii.

Imtixaanka ugu horeeyay ee ay Ardayda gallaan waxaa ku soo baxay 7 Arday 4 ka mid ah waxay ahaayeen Jaamacadda Bariga.

Imtixaankii labaad ee Aradya ee Waxbarashada Caalamiga ah laga qaaday waxaa sidoo kale ku soo baxay 32 Arday oo 16 ka mid ah ay wax ka barateen Jaamacadda Bariga Africa.

Shahaadada Barnaamijka Waxbarasshada Caalamiga ah ee Maamulka iyo Maaliyada waxaa Somalia oo dhan gaaray 28 Arday oo 16 ka mid ah ay wax ka barten Bariga Africa iyadoo cel celis ahaan ay dha tahay 57%. Somalia oo dhan.

Arintan aya waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay meesha ka baxday hadal ka soo baxay Bankiga Aduunka kaasi oo ahaa in Barnaamijkan Somalia oo dhan ay gaari karraan 5 Arday oo kaliya iyadoo ay hada gaareen 28 Arday oo Wiilal iyo gabdho ahaa.
2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17
Puntlandpost.com
Garowe/Puntland