Wariyaasha Bosaso oo kulan sagootin ah u sameeyay Cabdinaasir Daacad

Bosaso(pp) Wariyaasha gobalka Bari gaar ahaan Bosaso ayaa xalay kulan sagootin ah u sameeyay Cabdinaasir X.Axmed Xuseen (Daacad) oo ka tirsan warbaahinta SBC Bosaso.

Kulankan lagu sagootinayo ayaa ahaa ciyaar kubadda cagta ah oo garoonka Cabdilaahi Shiikh ku dhexmaray,waxana kasoo qayb wariyaal isagu jira ragg iyo dumar iyo dhalinyaro kale oo ka mid ah taageerayaasha Daacad.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso leh ayaa waxaa ugu danbeyntii guusha ku raaxday 7 iyo 4 kooxdii ku ciyaareysan maaliyadda naadiga reer Speyn ee Real Madirid.

Gaba-gabadii kulankan ayaa waxaa ka hadlay wariyashii kasoo qayb galay, agaasimaha warbaahina SBC Maxamed Deeq Cabdalle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay munaasibaddan lagu sii sagootinayo Cabdinaasir Daacad, waxa kale uu tilmaamay inay tahay wax lagu farxo in ay isku duuban yihiin wariyaasha Gobalka Bari.

Madaxa Puntland Tv Gobalka Bari Cumar Siciid Maxamed ayaa ku tilmamay Daacad inuu ka mid ahaa wariyaasha sida gaarka ah isigu xil-qaamay soo tabinta dhacdooyinka ka jira Bosaso ayna xasuusan doonaan muddada uu maqan yahay.

Cismaan Turaabi, Yuusuf Maxamuud (Garaad) Cabdiqani Cabdilaahi iyo Faadumo Siciid Taxadar oo ka mid ah wariyaashii munasibadda ka hadlay ayaa sheegay inay tahay mid lagu farxo munaasibada loo sameeyay Cabdinaasir Daacad oo ka mid ah wariyaasha Puntland.

Cabdinaasir Daacad ayaa go’aan saday inuu waxbarashadiisa Jaamacadeed kusii wato dalka dibadiisa isagoona dhankiisa balan qaaday inuusan mar qura ka daali doonin u shaqaynta shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale kulankan ayaa lagus oo dhawaynayay wariye Cali Cabdi Ducale oo ka mid ah wariyaasha sida aadka ah uga warama arrimaha shacabka kana yimi magalada Garowe, waxayna sheegeen Cali Ducale inuu ka mid yahay wariyaasha lagu tilmaami karo inuu dowr muuqda ka qaato garab istaaga dadka tabaalaysan.

 

46814_514835905344764_5228332298356427306_n

535176_514835962011425_4756036692361512265_n

1909841_514835515344803_1187277707902228042_n

1910603_514835622011459_1288356684447286437_n

1914391_514835475344807_1191701777556139822_n

1915424_514836258678062_6680411741710505687_n

1937110_514835472011474_999339106961250864_n

10312671_514836468678041_4894098703404757011_n

10449488_514835955344759_3597615644325123712_n

10454331_514836228678065_932004034394676059_n

10501702_514835408678147_5304149052091474264_n

10599679_514836165344738_4013956899521940222_n

11030315_514836002011421_4423041334710697538_n

11227041_514836175344737_1466216608692367628_n

11235052_514836115344743_5999810750355244355_n

12348009_514835802011441_6672726197950897270_n

12369038_514835458678142_5155913905692938860_n

12369038_514835458678142_5155913905692938860_n1

12369047_514835942011427_7662864654080176607_n

12369105_514836555344699_4463800291906493127_n

12373220_514835492011472_2177046283728067611_n

12373220_514835518678136_1882002862501904636_n

12373427_514835882011433_5606314709209075202_n

12373448_514836252011396_8941901646006851429_n
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso