Qorituurkii isku-aadka Horyaalka Yurub oo la soo gabogabeeyey

Kulankii ugu danbeeyey ee Arsenal iyo Barcelona ku dhex maray garoonka Emirates waxa uu ku dhammaaday Arsenal oo 2-1 kaga badisay Barcelona. © Arsenal Pics
Kulankii ugu danbeeyey ee Arsenal iyo Barcelona ku dhex maray garoonka Emirates waxa uu ku dhammaaday Arsenal oo 2-1 kaga badisay Barcelona. © Arsenal Pics

Qori-tuurka isku-aadka kooxaha u soo gudbay wareegga 16-ka Horyaalka Yurub (UEFA Champions League) ayaa goor dhoweyd waxa lagu soo gabogabeeyey xarunta UEFA ku leedahay Nyon, Switzerland.

Isku-aadkaan oo in badan la sugayey ayaa waxaa ugu xiiso badan kulamada dhex mari doona Arsenal iyo Barcelona, Juventus iyo Bayern Munich, iyo PSG iyo Chelsea.

Isku-aadkii oo buuxa waxa uu u dhacay sidaan hoose.

Koox Koox
Arsenal × Barcelona
Benfica × Zenit St Petersburg
Dynamo Kiev × Manchester City
Gent × Wolfsburg
Juventus × Bayern Munich
Paris Saint-Germain × Chelsea
PSV Eindhoven × Atletico Madrid
Roma × Real Madrid

Lugta hore ee kulamadaan ayaa la filayaa in ay dhacdo bartama Febraayo, 2016 halka lugta danbena ay dhici doonta bilowga Maarso 2016.